Guddiga Doorashada Galmudug oo Ku Fashilmay Jadwalka

Sida ku qoran jadwalkii cusbaa ee ay soo saareen Guddiga Doorashada Galmudug, maanta oo ah 31-ka December waxay aheyd in la dhaariyo xildhibaannada Galmudug laakin ma dhicin.

Waxaa kale oo jadwalka ku qornaa in inta u dhaxeysa 24-30-ka bishan ay aheyd xulista iyo shaacinta xildhibaannada Galmudug taasina Sidoo kale ma dhicin.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Galmudug Cabdinadir Geelle oo horay wareysi u siiyey Goobjoog News ayaa xaqiijiyey inuu ku socon-doono jawdwalkan.

Waa markii 2-aad ee uu guddigan ku fashilmo dhowrista jadwalka doorashada, lamana sida ay u fulin-doonaan hawlaha kale.

Goobjoog News

Related Articles

27 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW