U bood dhigaalka

Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi Oo Shaaciyay Xilliga Hadal jeedinta Musharixiinta Aqalka Sare

Sheeko:Amniga

Guddiga Hirgalinta Doorashada kuraasta gobolada waqooyi Somaliland ayaa sheegay inay bari musharaxiintu bilaabi doonaan hadal jeedintooda.

“Guddiga maamulka Doorashada kuraasta gobolada waqooyi Somaliland waxay ogaysiinayaan dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in berrito oo ay taariikhdu ku beegan tahay 28-09-2021(Talaada) ay si rasmiya u bilaaman doonto hadal jeedintii(khudbadihii) musharnimo” ayaa lagu yiri war qoraal oo ay baahisay warbaahinta dawladda.

Shalay ayey ahayd markii guddigu dib udhigay hadal jeedinta musharixiinta oo loo madlana 27 bishan Septemper.

 

GOOBJOOG NEWS.