U bood dhigaalka

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug Oo Lagu Dhawaaqay

Sheeko:Dalka

Gudoonka baarlamaanka Galmudug ayaa maanta ku dhawaaqay guddiga Doorashada madaxweynaha ee maamulkaasi, kuwaasi oo ka kooban Sagaal xubnood.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ku dhawaaqay magacyada xubnahaan, waxaana uu sheegay in howshooda ay tahay isku daba ridka doorashada.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa isku raacay xubnahaan, waxaana kulanka baarlamaankaasi maanta soo xaadirtay 77 mudane.

Magacyada Guddiga:-

 Maxamed Aadan Cismaan                  (Gudoomiye)

 Cabidweli Cali Maxamuud                    (Xoghaye)

Maxamed Xasan Gelle                           (Xubin)

Farxiyo Xasan Cali                                (Xubin)

Xasan Maxamed Axmed                         (Xubin)

Farxiyo Cabdullaahi Sheekh Doon           (Xubin)

Canab Maxamed Cosoble                       (Xubin)

Maxamed Mire Axmed                           (Xubin)

Cabdiqaadir Cali Diirshe                        (Xubin)

Waxaa la filayaa in 4-ta bisha soo socota July ay dhacdo doorashada madaxweynaha Galmudug oo siyaasiyiin badan u taagan yihiin qabashada xilkaasi.

Goobjoog News