U bood dhigaalka

Guddiga Doorashada Oo Shaaciyay Tirada Musharraxiinta Isku Diiwaangelisay Doorashada Madaxweynaha

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa Gobjoog News u xaqiijiyey tirada musharraxiinta u tartamaya xilka madaxweyne ee illaa iyo haatan is diiwaangelisay.

Guddoomiyaha guddigaasi C/raxmaan Ducaale Bayle oo goor dhow aynu qadka taleefanka kula hadalnay waxa uu inoo sheegay iney is diiwaangeliyeen 16 musharrax.

Maanta oo Axad ah ayeey ku egtahay diiwaangelinta musharraxiinta madaxweynaha, waxaana laga yaabaa in musharraxiin kale ay is diiwaangeliyaan.

Sida ku xusan jadwalka doorashada madaxweynaha, waxaa 8-da bisha February la filayaa iney dhacdo doorashada madaxweynaha dalka hoggaamin doona 4-ta sano ee soo socota.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News