U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka Oo Joojiyay Doorashada Mid Ka Mid Ah Kuraasta Golaha Shacabka

Sheeko:Amniga

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa sheegay in ay hakiyeen doorashada kursiga HOP#103 oo uu ku fadhiyay guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari.

Prof Jawaari ayaa maalmo ka hor isaga soo tagay magaalada Baydhabo kadib markii loo diiday in uu u tartamo kursigii uu mudada dheer ku fadhiyay.