U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka Oo Shaaciyay Xiliga La Qabanayo Doorasha Aqalka Sare Ee Galmudug

Sheeko:Amniga

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad gobaleedka Galmudug ayaa soo saaray jadwalka doorashada Aqalka sare ee xubnaha galmudug ku matalaya Aqalka sare.

Jadwalka guddiga ay shaaciyeen ayaa lagu sheegay in maanta oo arbaca ah ay bilaabaneyso diiwaan gelinta musharixiinta iyo bixinta qidmadda musharixiinta.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in beri oo khamiis ah ay dhaceyso doorashada 6-kursi oo ka mid ah 8-kursi Aqalka sare maamulka galmudug uu ku leeyahay.

Shaacinta jadwalka ayaa timid kadib markii madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor uu soo saaray liiska 12-musharax oo u taratamay 6-kursi oo ka mid ah 8-kursi ee galmudug Aqalka sare ku leedahay.

Hoos ka akhriso jadwalka Doorashada Aqalka sare