U bood dhigaalka

Guddiga doorashooyinka Puntland oo Gaaray Boosaaso

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka dowlad gobaleedka Puntland ayaa maanta  waxaa ay gaareen magaalada Bosaso ee gobalka Bari, waxaana magaalada ku soo dhaweeyey goddomiyaha gobalka iyo mas’uuliyiinta degmada Bosaso.

Guddiga ayaa kulamo la qaatay maamulka gobalka Bari  iyo midka degmada Bosaso, waxaana ayna  warbixiyeen  higsigooda doorashooyin ka dowladaha hoose  ee puntland iyo doraashada xorata ah ee qof iyo cod, taas oo uu balan qaaday in lagaaraayo  madaxweynaha hadda talada haya Siciid Cabdillaahi Deni.

Guddoomiyaha gobalka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxammed iyo duqa degmada Bosaso Cabdisalaan Bashiir, ayaa siweyn guddiga uga mahad celiyey hadafkooda iyo higsigooda in dowlad gobaleedka Puntland la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod, waxaana siwadajir ah ay ugu hanbalyeeyeen wax qabadkooda.

Guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee dowlad gobaleedka Puntland ayaa mudooyinkii ugu dambeeye waxaa ay kulamo wadatashi ah ay ka wadeen deegaannada kala duwan ee uu ka kooban yahay dowlag gobaleedka waxaana la filaayaa in ay bulshada qeybaheeda kala duwan ay la kulmi doonaan.

Goobjoog News