U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Rajo Ka Muujiyey Qabsoomidda Doorasho Qof Iyo Cod Ah Sanadka 2020

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa rajo aad u wanaagsan ka muujiyey in sanadka 2020-ka guud ahaan dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo shacabka Soomaaliyeed ka wada qeybqaataan.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo ah guddoomiyaha guddigan ayaa iyadoo u warameysay Goobjoog News, waxay sheegtay in doorashooyinka hadda dalka ka socda ay noqdeen kuwo dhiirogeliyay guddigooda, islamarkaana muujinaya in sanadka 2020 dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah.

“Annaga aragtida aan qabno waxay tahay maanta meesha la joogo shalay lama joogin, waad xasuusatiin doorashadii 2020 waxay ka dhacday Muqdisho, waxaan ku shaqeyneynay Xalane dhexdiisa, maanta Saddex arrin aad u muhiim ah baa dhacday oo aysan dadku dareensaneen, doorashadii hoos baa loo dedejiyey, Xamar iyo Xalane laguma koobin gobolladii ayey ka dhacday, dadkii ayaa hoos loogu geeyey doorashada, midda Labaad waxay tahay doorashadii Hal oday soo qorayey xildhibaanka maanta waa labaahiyey oo waa la tiro badiyey oo dad badan baa go’aan kasoo gaarayey Halkii xildhibaan, 51 kaliya ma ahane qabiilada dhan baa fariisanayey waa laga doodayey waana laga hadlayey, wey baahday dad badan ayaana ka qeybgalay, midda Sadexaadna waxaa waayey meeshii Hal qof kaliya inta la dhigo iska qaadanayey maanta waa lagu tartamay oo dadbadan baa tartamay”

Xaliimo Yarey oo soo hadal qaaddey qoonadada Haweenka ee 30% iyo sida ay Labada aqal uga heleen ayaa tiri “Waxaan qabnaa in meeshii shalay la joogey meel ka fiican in la joogo, haddii shalay ahayd 14% maanta waxay ku dhowdahay 24% tallaabo fiican baa la qaadey”

Ugu Dambeyn Guddoomiye Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in hadda ay aad ugu dhiiradeen in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, islamarkaana xitaa haddii aysan dhicin doorasho qof iyo cod aan ahayn la heli karo doorasho inta badan ay ka qeybqaateen shacabka Soomaaliyeed.

“Waa inoo muuqataa, geesinimo weyn bay ina gelisay, haddii maanta gobol la tagey berina degmo iyo tuulo waa la tegi karaa, dad intaan ka badan ayaa ka qeybgali karta, haddii aan la dhihin xitaa dorasho qof iyo cod waxaa ka qeybgali kara dadka intiisa badan, waxaa inoo muuqata in wax la qaban karo, annaga waxaan isku diyaarineynaa oo aan bilownay shaqadeenna oo tababarkeeda aan galnay oo sharciyadeeda wax ka dejineynaa inaan u diyaarinno umadda Soomaaaliyeed doorasho Hal qof iyo Hal cod, wax sahlanna maahan, wixii waan qabaneenaa waqti hebel dhahno waa inaan sideeda u qabannaa” ayeey tiri Xaliimo Yarey.

Guddiga doorashada Qaran ayaa looga fadhiyaa sanadka 2020 in dalkaan ay ka hirgeliyaan doorasho qof iyo cod ah, maadaamada sanadkaan 2016 lagu guuldareystay inay dhacdo doorashadaasi.

Goobjoog News