U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo Ka Hadlay Walwalka Axsaabta ee Dib U Dhac Ku Yimaadda Doorashooyinka

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa  sheegay inay wali ku taagan yihiin qorshihii ahaa in  doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka la qabto waqtigii hore loogu ballamay ee 17 bisha April sannadka 2017.

Af-hayeenka  guddida doorashooyinka Siciid Cali Muuse ayaa ka hadlay arrintan ka dib markii axsaabta mucaaradka Somaliland marar kale duwan ay sheegeen inay ka shaki qabaan in doorashada waqtigeedii dib looga dhigo, waxaanuu af-hayeen Siciid  yiri isaga oo arrintaasi ka jawaabaya, “anaga ayaa ah dadkii loo xilsaaray in doorasho la qabto oo la muddeeyo, horey waa tii muddo kordhinta labada sanno ah ka dib loo  cayimay doorashada inay April 2017 dhacdo  sidiibaana wali ku taagannahay oo wax kale oo aanu  wadnaa ma jirto”

Siciid  Cali Muuse ayaa sheegay in haddii  muddo kordhin la sameeyo ay arrintaasi ka iman karto axsaabta iyo xukuumadda oo isla waafaqsan balse aanay guddi ahaana awood u lahayn  inay waqtiga ay rabaan ku darsadaan doorashada, “Annagu  inaan sabab keenno waxay ku jirtaa shaqada na loo igmaday balse inaanu  sababaynno oo aanu qolo kasta oo ay khusayso  soo hordhigno  ayaa iyaduba waajib ah  tiina meesha ma taallo maanta,  waxa bilaabatay diiwaangelintii codbixiyayaasha  gobolkii ugu dambeey markaas doorasho waqtigeedii ayey dhacaysaa”, ayuu yiri Siciid Cali Muuse.

Xisbiyada siyaasadda Somaliland oo xisbiga talada haya ee Kulmiye ku jiro ayaa marar kala duwan  soo gudbiyey inay u muuqato dib  u dhac ku yimaadda doorashada iyagoo sababta ugu weyna ka dhiganaya  in aan wali la  meel marin  xeerkii beeluhu ku heli lahaayeen kuraasta baarlamaanka oo wali laga sugayo madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Goobjoog News