U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka Somaliland Oo Shaaciyay Habraca Doorashada 12 Kursi

Sheeko:Amniga

Guddiga hirgelinta doorashooyinka gobalada Waqooyi ayaa shaaciyay habraca iyo jadwalka doorashada 12 kursi oo deegaan doorashadoodu ay tahay Somaliland.

Kuraasta la shaaciyay jadwalkooda ayaa kala ah : HOP#260, HOP#25, HOP#215, HOP#267, HOP#268, HOP#269, HOP#245, HOP#247, HOP#209, HOP#211, HOP#201, HOP#214.

Waxaa hadda afarti sano ee la soo dhaafay galmudug kuraastaan ugu fadhiyay xildhibaanada kala ah :-

HOP#260: Faadumo Odowaa Raage ayaa ku Gobollada Waqooyi ku metashay Golaha Shacabka.

HOP#257: Cabdalla Xaaji Cali Axmed ayaa ku fadhiya Baarlamaanka 10aad.

HOP#215: Faatix Saciid Xasan ayaa Somaliland ku metalay Baarlamaankii 10aad ee Soomaaliya.

HOP#267: Saynab Maxamed Caamir ayaa kursigaan ku fadhisa tan iyo sanadkii 2000.

HOP#268: Maxamed Cali Xagaa ayaa ku fadhiya kursigaan.

HOP#269: Waxaa Gobollada Waqooyi ku metalay Maxamed Cabdullaahi Kaamil.

HOP#245: Cabdiraxmaan Axmed Suge ayaa ku fadhiya Kursigaan.

HOP#247: Khadra Maxamed Tukaale ayaa kursigaan ku metashay Somaliland.

HOP#209: Axmed Dhimbil Rooble Casoowe ayaa ku fadhiya.

HOP#211: Caasho Koos Maxamuud Cumar.

HOP#201: Waxaa ku fadhiya Wasiirkii Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

HOP#214: Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa ku metalay Somaliland Golaha Shacabka BFS.