U bood dhigaalka

Guddiga Farsamada Ee Sameynta Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir Oo La Magacaabay

Sheeko:Dalka

Wareegto uu soo saaray wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa lagu magacaabay guddiga farsamada ee sameynta golaha deegaanka gobolka Banaadir.

Guddigan ayaa ka kooban 11 xubnood, waxaana loogu talo galay inay dardar geliyaan dhismaha gole deegaan oo gobolka Banaadir yeesho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa wareegtada looga codsaday inuu la shaqeeyo guddigan si howshooda ay u gutaan.

Hoos ka akhriso wareegtada:-

gblo

Goobjoog News