U bood dhigaalka

Guddiga farsamada ee shirka lagu qabanayo Garbahaarey oo maanta kulmay

Sheeko:Dalka

Guddiga farsamada shirka dhowaan lagu qabanayo magaalada Garbahaarey ayaa sheegay in maanta magaaladaasi kulamo ay ku yeesheen xubno ka socda ergada lagu marti qaaday shirkaasi.

Faarax Coon Gaab oo ka mid ah guddiga farsamada shirka Garbahaarey ayaa daboolka ka qaaday in ay ka wada hadleen ergadan qorshihii uu ku socon lahaa shirka.

Xubno kale oo hor leh oo ka mid ah ergo ka qayb galaysa shirka magaaladaasi ayuu sheegay Faarax Coon in ay soo gaareen madasha shirka.

Bartamihii bishan ayay ahayd markii xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Gedo ay ku dhawaaqeen in shir nabadeed ay ku qaban doonaan magaalada Garbahaarey.

Ergeda ka qeyb galeysa shirkan lagu wado in uu ka dhaco Garbahaarey ayaan qeyb ka ahayn shirka dib u heshiisiinta imika ka socda magaalada Kismaayo.