U bood dhigaalka

Guddiga gaadiidka Baarlamaanka Soomaaliya oo eedeeyay maareeyaha dekedda Muqdisho (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya ayaa maareeyaha dekedda Muqdisho ku eedeeyay in uu caqabad ku yahay heshiiskii shirkad Turkiga laga leeyahay lagula galay dekedda Muqdisho.

Guddoomiyaha guddiga gaadiidka dekadaha, tamarta iyo garoomada ee Baarlamaanka Soomaaliya Cismaan Aadan Dhuuboow oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ee ka shaqeeya dekedda lagu amray in 30-ka bishan ay baneeyaan dekedda kadib markii lagu wareejiyay shirkad Turki ah.

Waxa uu intaasi raaciyay in ganacsatadu ay sheegeen in heshiisyo 10 sano ah uu ka saxiixay maareeyaha dekedda Muqdisho kaasi oo uu sheegay in aysan la kulmin kadib markii uu sheegay in ay dhowr jeer ku booqdeen xafiiskiisa iyada oo mas’uuliyadda wixii ka yimaada arintaasi uu xildhibaanku ku eedeeyay maareeyaha dekedda Muqdisho.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shalay si buuxda ugu wareejisay shirkada Al-bayrak maamulida dekedda Muqdisho.

Hoos ka dhageyso codka Cismaan Aadan Dhuuboow: