U bood dhigaalka

Guddiga Gurmadka Abaaraha Ee Heer Qaran Oo La Kulmay Hay’ado Caalami Ah Iyo Deeq Bixiyeyaal

Sheeko:Dalka

Guddigga Gurmadka Abaaraha ee heer Qaran oo uu gudoomiye u yahay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka ayaa la kulmay UNka, deeqbixiyayaasha, iyo hay’adaha caalamiga ah, shirka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa hawlaha gar-gaar ee dadka ay Abaaruhu saameeyeen.

Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa sheegay in shirkii ugu horeeyay ee guddiga ay kaga hadleen sidii loo diyaarin lahaa hal qorshe oo lagu wada shaqeeyo.

“Waa muhiim in gaargaarkan uu yeesho hal qorshe oo aan kuwada hawl galno si waxqabadkeena u noqdaan mid ka jawaabaya baahida ay qabaan dadka ay Abaartu waxyeeleeyeen”.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in hay’adaha caalamiga ah oo ay ugu horeeyso UNka loo baahanyahay in ay doorkooda ka qaataan wax ka qabashada Abaaraha dalka ka jira.

“Dhamaan hay’adaha caalamiga ah oo ay ugu horeeyso UN, iyo deeqbixiyayaasha waxa aan ka codsaneynaa in ay doorkooda ka qaataan gargaarkan oo si wada jir ah ay u wada shaqeeyaan guddigan”.

Ugu dambeyn, Mudane Carteh ayaa sheegay in shirarka guddiga uu la yeelan doono qaybaha kala duwan ee bulshada iyo hay’adaha caalamiga ah uu sii socon doono inta xal waara looga helayo Abaaraha dalka ku soo noq-noqonaya.