U bood dhigaalka

Guddiga Gurmadka Abaaraha Oo Soo Badhigay Cadadka Lacagta Ay Bixiyeen, Inta Ay Hayaan Iyo Inta Ay Filayaan

Sheeko:Dalka

Guddiga gurmadka abaaraha ee Heer qaran ayaa maanta soo bandhigay qarashaadka ay ka heleen dowladda Federaalka, Shacabka, Ganacsatada Soomaaliyeed, dalalka caalamka iyo sidoo kale ururada caalamiga ah.

Soo bandhigistaan ayaa timid kadib markii guddiga gurmadka Abaaraha u qaabilsan aqalka sare ay maanta magaalada Muqdisho kula kulmeen guddigan.

Waxa ay ka dhageysteen warbixinno ku aadan heerka abaarta, sida ay magaalooyinka iyo gobollada dalka u kala saameysay, dhibaatyooyinka abaaraha ka dhashay, cadadka lacagta soo gashay, meelaha ay kasoo gashay iyo sidii ay u kala maamuleen.

Yaxye Cali Ibraahim oo ah guddoomiyaha farsamada ee guddiga qaran gurmadka abaaraha ayaa warbixin ka siiyey xubnahan ka socday aqalka sare.

Waxa uu sheegay Yaxye iney jiraan lacago ay u geeyeen maamul goboleedyada dalka ka jira si wax looga qabto abaaraha, wuxuuna sheegay in illaa hadda qarashaadka ay hayaan aaney wax u qaban karin guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee abaarta ku haysa gobollada dalka.

Sidoo kale xubnaha ka socdey aqalka sare ayaa xubnaha guddga qaran ee gurmadka abaaraha waxay su’aallo ka weydiiyeen kalsoonida lagu qabi karo guddigan iyo habka ay wax u maamulaan, iyadoo dhammaan su’aalihii la weydiiyeyna ay ka jawaabeen mas’uuliyiinta guddigan.

Hoos ka Akhri Kharashaadka.

Lacagaha Okey

Goobjoog News