U bood dhigaalka

Guddiga Gurmadka Abaaraha Puntland Oo Biyo Dhaamin Ka Billaabay Gobolka Nugaal

Sheeko:Dalka

Guddiga abaaraha Puntland ayaa biyo dhaamin waxay ka billaabeen deegaanno ka mid ah gobolka Nugaal oo abaar baahsan ay ka jirto taasi oo saameysay dadka iyo duunyada.

Sheekh Fu’aad oo ka tirsan guddigan ayaa u sheegay Goobjoog News in biyahan ay geynayaan dhammaan deegaannada Biyo la’aanta ka jirto.

Waxa uu tilmaamay Sheekhu in qarash ay iska soo uruuriyeen shacabka Puntland ay hadda kusii billaabayaan biyo dhaamintaan, islamarkaana ay ku haminayaan in deegaanno badan ay biyo gaarsiiyaan.

Dhinaca kale degmada Meyle ee gobolka Nugaal ayaa laga soo sheegayaa in xiligaan ay ka taagan tahay xaalad daran oo dhanka nolosha ah, islamarkaana dadka ku dhaqan deegaannadaasi aanay haysan biyo iyo baad.

Cabdikaafi Axmed Warsame Hoobaal oo ka mid ah waxgaradka ku dhaqan degmadaasi ayaa u sheegay Idaacadda Goobjoog in shacabka ku dhaqan halkaasi hadii aan lala soo gaarin raashin iyo biyo ay halis ugu jiraan inay dhammaadaan.

“Dadkii xoolihii wey ka dhammaadeen oo wax ay siiyaan bayu waayeen, xitaa naftooda need ay u qashaan ayeey waayeen, sidoo kale biyo mahaystaan dadkan oo harraad baa dilaya, waxaan ugu baaqayaa maamulka Puntland iyo hay’adaha samafalka ah in gurmad xoogani ay shacabka walaalahooda ah lasoo gaaraan” sidaasi waxaa yiri Nabadoon Cabdikaafi.

Abaarta ka jirta gobollada Waqooyi ee dalka ayaa saameyn xoogani ku reebtay dad u badan xoolo dhaqato, kuwaasi oo haatan u baahan gurmad degdeg ah in lala soo gaaro.

Goobjoog News