U bood dhigaalka

Guddiga Gurmadka Qaxootiga Boosaaso Oo Ku Howlan Soo Ambabixinta Dadkii Saarnaa Markabka Nawaal 3

Sheeko:Dalka

Guddiga Gurmadka qaxootiga Yemen ee Boosaaso ayaa sheegay in ay wadaan dadaal xoogan oo ay ku doonayaan in ay kusoo ambabixiyaan qoysaska Soomaaliyeed ee dhawaan halkaasi gaaray, lana socda markabka Nawaal 3.

Gudoomiyaha gudigaasi Sheekh Yuusuf Axmed Daad ayaa u sheegay Goobjoog News in shalay magaalada Boosaaso ay kasoo ambabixiyeen dad gaaraya 700 oo ruux, sidoo kalena dadka kale ay usii diri doonaan gobalada ay kasoo jeedaan.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha in dhammaan dadkaasi ay ku sugan yihiin xerooyin loogu tala galay, islamarkaana ay iyaga xilli walba diyaar u yihiin sidii ay kusoo dhaweyn lahaayeen shacabka kasoo cararaya Yemen.

Tiro ahaan ayuu sheegay in magaalada Boosaaso dadkii kasoo dagay tan iyo markii dagaallada Yemen bilawdeen in ay gaarayaan 16-kun oo qof, tiro intaas ka badanna la filayo in magaaladaasi soo gaaraan.

Shacabka Soomaaliyeed iyo cid walba oo wax haysata ayuu ugu baaqay in ay kaalin ka qaadato sidii lagu soo badbaadin lahaa Soomaalida ku dhibban Yemen.

Goobjoog News