U bood dhigaalka

Guddiga Gurmadka Qaxootiga Ee Boosaaso Oo Ka Warbixiyay Xaaladda Dadkii Ugu Dambeeyay Ee Magaaladaasi Gaaray

Sheeko:Dalka

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaa shalay gaaray dad badan oo Qaxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo tiro ahaan ku dhaw 2-kun oo qof, waxaana ay kasoo carareen dagaallada ka socda dalka Yemen.

Magaaladaasi waxaa horay ugu sii sugnaa dad kasoo cararay Yemen, waxaana dadkii shalay yimid qaarkood ay yihiin kuwo xanuunsanaya.

Gudoomiyaha guddiga Gurmadka Qaxootiga ee Boosaaso ku sugan Sheekh Axmed Yuusuf Daad ayaa u sheegay Goobjoog News in dadka yimid ay ku jiraan dad u dhashay Yemen, islamarkaana dadkaan ay u baahan yihiin caawinaad walaalahooda Soomaaliyeed.

Cid walba oo Soomaaliyeed ayuu sheegay in laga doonayo inay u istaagaan kaalmeynta dadkaan cid walba oo wax haysatana laga doonayo in kaalinteeda ay muuqato.

Waxa uu sheegay in dadkaan ay u baahan yihiin kaalmo dhan walba ah iyo sidoo kale in qorshe loo sameeyo.

Maamulka Puntland, ganacsatada iyo shacabka ayaa dhexda u xirtay in ay soo dhaweeyaan walaalahooda Soomaaliyeed ee kasoo cararaya dagaallada ka socda dalka Yemen.

Goobjoog News