U bood dhigaalka

Guddiga Gurmadka Qaxootiga Yemen Ee Gobalka Bari Oo Ka Hadlay Qorshaha Dadkii Shalay Soo Gaaray Magaalada Boosaaso

Sheeko:Dalka

Guddiga Gurmadka Qaxootiga Yemen ee gobalka Bari ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha dadkii shalay soo gaaray magaalada Boosaaso, kuwaasi oo tiro ahaan ku dhaw 2-kun oo qof.

Sheekh Yuusuf Axmed Daad oo ah gudoomiyaha Guddigan ayaa u sheegay Goobjoog News in dadkaan ay garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed, islamarkaana la qorsheenayo in dadkii bixis raba la qaban qaabin doona, sidoo kalena kuwa aan haysan meel ay aadaan loo sameyn doono dib u dejin.

Dadka imaanaya ayuu sheegay in xaaladooda ay kala daran tahay, islamarkaana safar walba kuwa Boosaaso soo gaara ay ka liitaan kuwii ka horeeyay.

“Mar walba dadka imaanaya wey ka liitaan kuwii ka horeeyay sababtoo ah meesha ay ku sugan yihiin ayaa ah xaalad ahaan mid aad u adag, dadka ma haystaan nolol wanaagsan, caafimaad la’aan ayaa haysa, waana dad walaalahooda dalka ku sugan uga baahan in ay caawiyaan” ayuu yiri Sheekh Daad.

Shalay magaalada Boosaaso waxaa kusoo xiratay Doon weyn oo ay saarnaayeen muwaadiin Soomaaliyeed oo ku dhaw 2-kun oo qof, kuwaasi oo kasoo cararay dagaallada ka socda dalka Yemen.

Goobjoog News