U bood dhigaalka

Guddiga Imtixaanaadka Somaliland Oo Ku Dhawaaqay Natiijada Imtixaanka Fasalka 8-aad

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay Natiijada Fasalada 8-aad ee Imtixaanka shahaadiga Somaliland oo sanadkaan ay u fadhiisteen arday fara badan.

Guddiga Imtixaanka oo Natiijada ku dhawaaqay ayaa sheegay tirada ka dhacday gobal walba iyo kuwa ku soo baxay Imtixaanka.

Gobalka Salal ee Somaliland ayaa la sheegay in sanadkaan ay ka baaseen 153 ardya halka gobalka ay ka dhaceen 8 arday oo keliya.

Gobalka Sanaag ayaa sanad dugsiyeedkaan waxaa fasalka sideedaad ka gudbay 609 arday kuwaas oo imtixaanka ku baasay, halka 9-arday Imtixaanka ay ku dhacday gobalka Sanaag.

Gobalka Saraar ee dhulka Somaliland ayaa sanadkaan waxaa isna ka gudbay oo imtixaanka fasalka Sideed ka baasay 228 arday, halka 8 arday ay ka hartay Imtixaanka.
Gobalka Sool ayaa Natiijada lagu sheegay in sanadkaan ay ka gudbeen Imtixaanka 1162 arday halka 4-arday oo keliya ay gobalkaas Imtixaanka ku dhacday.
Gobalka Togdheer ayaa guddiga Imtixaanka sheegen in sanadkaan ay ka gudbeen imtixaanka 2950 arday, halka 148 arday ay imtixaanka ku dhaceen.
Gobalka Xaysimo oo ka mid ah gobalada Somaliland ayaa isna sanaadkaan Imtixaanka fasalka 8-aad ka gudbay 76 arday halka uu Hal arday imtixaanka uu ku dhacay.
Gobalka Awdal ayaa waxaa dhankiisa Imtixaanka fasalka sideed sanaadkaan uga gudbay 2322 arday, iyadoo 115 arday ay Imtixaanka ku dhaceen sanaadkaan.
Gobalka Badhan ayaa fasalka Sideed waxaa sanaadkan imtixaankiisa ka gudbay 609 arday, halka 9-arday ay imtixaanka ku dhaceen.
Gobalka Buuhoodle ee Somaliland gobaladeeda ka tirsan ayaa isna waxaa sanadkaan imtixaanka ku soo baxay 385 arday, iyadoo 6 arday ay imtixaanka ku dhaceen.
Gobolka Daadmadheeh ayaa sanadkaan waxaa Imtixaanka shahaadiga fasalka sideed ee dowladda kaga gudbay 124 arday, iyadoo 2 arday imtixaanka Imtixaanka.
Gobolka Gabiley ayaa sanadkaan waxaa isna imtixaanka ka gudbay 1265 arday, iyadoo 60 arday ay gobalkaas imtixaanka uga dhacday.
Gobalka Hawd ayaa sanadkaan waxaa Natiijada Imtixaanka dowladda lagu shaaciyay in ay 31 arday ay baaseen, halka gobalka Hawd uusan jirin Arday Imtixaanka ku dhacay.
Gobalka Maroodijeex oo ah gobalka ay ardayda ugu badan Imtixaanka uga fadhiisteen ayaa la sheegay in ay imtixaanka ka gudbeen 8860 arday, halka 433 arday imtixaanka ay ku dhaceen.
Gobalka ugu dambeya oo ah gobalka Saaxil ee Somaliland ayaa Natiijada saaka lagu dhawaaqay lagu sheegay in ay 830 arday imtixaanka ay ka gudbeen halka 31 ardayna Imtixaanka ay ku dhaceen.
Goobjoog News