U bood dhigaalka

Guddiga joogtada ah ee baarlamaanka oo soo saaray war murtiyeed ku saabsan xakamaynta hubka

Sheeko:War

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka kulankiisa ahaa 17kii Agoosto 2014 wuxuu Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka dhegeystay warbixin ku saabsan hawlgalada xakameynta hubka iyo sidoo kale siyaasadda ay Xukuumaddu ka dejisay xakameynta hubka, Waxaa kulankan kasoo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka oo ay wehliyaan Ku-xigeenka R/Wasaaraha, Wasiirka Amniga Qaranka, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Ganacsiga,Warshadaha iyo Wasiirka Hiddaha iyoTacliinta Sare. Wuxuu Guddigu kulan u gaar ah qabsaday 18th Agoosto, fadhigan oo uu si qota dheer ugu falanqeeyey kana baaraandegey warbixinta Xukuumadda iyo warcelinta weydiimaha xildhibaanada iyo xubnaha xukuumaddu is dhaafsadeen.

Guddiga Joogtada ah wuxuu mabda’ ahaan ayidsan yahay in la xakameeyo hubka, ayna ka mid tahay waajibaadka uu Golaha Shacabku u xilsaartay Xukuumadda.

Wuxuu Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabku xusuusinayaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed inay Xukuumadu awood buuxda u leedahay suggida amniga sida uu qabo Qodobka 99aad faqradda (f) ee Dastuurka.

Wuxuu Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabku hoosta ka xariiqayaa waajibka saaran Xukuumadda Federaalka badbaadinta iyo amniga shacabka sida uu qabo Qodobka 126 faqradda 1aad oo sheegaysa:-

“Xukuumadda Federaalku waxay damaanad-qaadaysaa nabadda, gobannimada iyo ammaanka qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo badbaadinta shacbigeeda, iyadoo la adeegsanaayo adeegyada ciidammada amniga”

Wuxuu Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka usoo jeedinayaa inay Xukuumadu hubiso la xisaabtanka laamaha amniga iyadoo xaqiijinaysa sareynta sharciga iyo ilaalinta xuquuqda dadweynaha si waafaqsan faritaanka Dastuurka ee qeexaya mabd’a ah inay hay’adaha rayidka ahi kormeeraan hay’adaha amniga ee hubka sita sida uu qabo Qodobka 126aad faqrada 6aad ee Dastuurka.

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka wuxuu Xukuumadda xusuusinaya in Dastuurka Jumhuriyaddu si adag u xaqiijiyey Xurmada Hoyga iyadoo uu si cad ugu qeexayo Qodobka 19aad faqradda 1aad: “in Qofna gurigiisa ama meeshii kale ee isaga u gaar ah la geli karin, la baari karin, lana basaasi karin amar garsoore oo sababaysan la’aantiis”. Sidaas awgeed, wuxuu Guddiga Joogtada ah kula talinayaa in hawlgalada xakameynta hubka ay iska kaashadaan laamaha amniga, xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Laanta Garsoorka dalka.

Wuxuu Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabku u soo jeedinayaa Xukuumadda inay dalka oo dhan ku baahiso fulinta siyaasadeeda xakameynta hubka si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka.

Si ay u suurtogasho in siyaasadda Xukuumadu loogu rogo sharci dalka u yaala, wuxuu Guddiga Joogta ah ee Golaha Shacabku u soo jeedineynaa xukuumadda inay si degdeg ah u soo gudbiso hindise sharci ah oo ku saabsan Xakameynta Hubka.

Si loo xaqiijiyo ilaalinta xoriyadda saxaafadda si waafaqsan Qodobka 18aad ee Dastuurka, wuxuu Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabku u soo jeedinayaa Xukuumadda inay degdeg ugu soo gudbiso Golaha Shacabka hindise sharci ah oo lagu maareeyo Warbaahinta dalka.

In Dhammaan Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa amnigaba la siiyo tababarro ku saabsan arrimaha xuquuqda Aadanaha iyo ilaalinta xasaanadda, amar adagna lagu siiyo inaysan ku xadgudbin xuquuqda aadanaha iyo hantida muwaadiniinta iyo dadka kale ee dalka deggan, sida uu faraayo Qodobka 127 Faqradda (f) ee Dastuurka iyo xurmaynta xasaanadda xildhibaanada.

Ugu dambayn Guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha waxa ay dhammaan xildhibaanada Qaranka ka codsanayaan iney gacan ku siiyaan Ciidammada Ammaanka gudashada waajibaadkooda Qaran.

 

—DHAMAAD—