U bood dhigaalka

Guddiga Joogtada Ah Ee Wakiillada Somaliland oo Dalbaday in Wareebe La Maxkamadeeyo

Sheeko:Amniga

Guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland, ayaa maanta ugu baaqay dhammaan hey’adaha maxaliga ah iyo caalamka in ay joojiyaan wada shaqeynta guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe.

Guddiga oo war qoraal ah soo saaray ayaa xusay in laga bilaabo maanta aan guddoomiye Faysal aan loola dhaqmin sida ma’uul xasaanad leh, iyaga oo xeer ilaalinta ka dalbaday in Faysal lagu soo oogo dacwad la xiriirta hadal uu yiri.

Guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada ayaa wuxuu awood u leedahay  in uu sii wado shaqadii golaha, maadama labadii gole ee wakiillada iyo guurtida ay ku jiraan fasax, oo aan weli dib loogu soo laaban kulamadii goloyaasha.

Guddoomiye Enjineer Faysal Cali Waraabe ayaa lagu wadaa in uu goor dhow shir ku qabto magaalada Hargeysa, kaas oo uu uga hadlaayo, xasaanad qaaditaanka maanta uu ku sameeyey guddiga golaha joogtada ah ee Somaliland.

Halkaan Ka Akhriso 

Goobjoog News