U bood dhigaalka

Guddiga Ka Hortagga Coronavirus Ee Somaliland oo Dib U Fasaxay Qaadka

Sheeko:Caafimaadka

Guddiga ka hortagga iyo wacyigelinta Coronavirus ee Somaliland ayaa maanta dib u fasaxay in deegaannada Somalailand uu imaan karo Qaadka ka imaan jiray dhanka dalka Itoobiya oo dhowaan guddiga uu hakiyey sababo la xirara xakameynta faafitaanka xanuunka COVID-19 iradoo waqtigii guddiga uu horay ugu asteeyey ay ka harsan tahay muddo afar Cisho ah.

Warqad qoraal ah oo ka soo baxday guddiga uuna ku sixiixnaa guddoomiyaha guddiga ahna madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil ( Seylici) ayaa lagu xusay in guddigu uu go’aa nsaday  in laga bilaabo maalinimada barito ah oo taariikhdu tahay 17-5-2020-ka uu fasax yahay Qaadka lana keeni karo deegaannada Somaliland.

Dhanka kale kale guddiga ayaa soo saaray qodobo dhowr ah kuwaas oo ah habraaca lagu iibinayo Qaadka iayadoo dadka iibinayo loogu baaqay  in ay fuliyaan, guddigu wuxuu sidoo kale  sheegay inaan la ogolaan doonin in lagu kulmo Qaadka oo lawada cuno  iyadoo lagu xusay qoraalka in dadka iibinayo aysan ka badan labo ruux iyaga oo isku jirsanayo masaafo dhan labo Mitir si looga fogaado faafitaanka caabuqa Coronavirus.

Halkaan ka Akhriso:

 

Goobjoog News