U bood dhigaalka

Guddiga KMG ee doorashada kuraasta ka dhiman baarlamaanka oo shaaciyay waqtiga la qabanayo doorashada Kursiga HOP#147

Sheeko:Amniga

Guddiga kumeelgaarka ah ee doorashada kuraasta ka dhiman baarlamaanka faderaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay waqtiga la qabanaya doorashada kursigii uu baneeyay agaasimaha hay’adda nabad sugidda Mahad Maxamed Salaad.

Guddiga KMG ee doorashada ayaa sheegay in kursiga HOP#147,  la qabanayo 1 bisha soo socota ee February, ayna bilaabaneyso xulista ergada 29-ka bishaan.

Doorashadaan kursigaan ayaa kamid ah kuraas ka dhiman kuraasta golaha shacabka baarlamaanka faderaalka Soomaaliya.

No photo description available.