U bood dhigaalka

Guddiga Lagu Muransanaa oo Go’aansaday Iney Doorashada Aqalka Sare Qabtaan Kahor 6-da Janaayo

Sheeko:Amniga

Guddiga dhismihiisa lagu muransan yahay doorashooyinka ayaa maanta shaaciyey jadwal ku sheegeen iney  tagay xilli rasmiga ah ee doorashooyinka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ay dhacayaan.

Qoraal kasoo baxay ayaa waxa ka mid ahaa “Sida ku cad hab raaca doorashada iyo heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran, waxaa lasoo hormarinayaa doorashada xildhibaanada Golaha Aqalka Sare oo ay qabanayaan Baarlamaannada Dowlad Goboleedyadu. Sidaas darteed, diiwaangelinta tartamayaasha Doorashada Aqalka Sare waxay bilaabanaysaa 26ka Diseembar 2020, halka laga sugayo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada in liiska murashixiinta ay soo saaraan 29ka Diseembar 2020, waxaana doorashada kuraasta Golaha Aqalka Sare lagu soo dhammeystirayaa inta u dhaxaysa 31ka Diseembar 2020 ilaa 6da Jannaayo 2021.

Qoraalka oo dheeraa waxaa ka mid ahaa “Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed waxay sidoo kale 7da Jannaayo 2021 gudagalayaan diiwaangelinta, xaqiijinta iyo tababarista xubnaha odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah ee ka qeybgalaya xulista ergooyinka doorashada kuwaas oo lagu faahfaahiyay shuruudahooda habraacyada doorashada.

Dhanka kale, murashaxiinta madaxweynaha ayaa la filayaa in caawa ay war kasoo saaraan warka kooxdan, waxaana kale oo la sugayaa maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbanad iyo xataa beesha caalamka.

Goobjoog News