U bood dhigaalka

Guddiga Lagu Muransanyahay ee Xalinta Khilaafaadka Doorashada oo Guddoomiye Doortay

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhow guddoomiye doortay guddiga lagu muransanyahay ee qaabilsan xalinta khilaafaadka doorashada dadban ee lagu wado iney dhacdo 2020/2021.

Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in waxyar kahor doorasho dhacday guddoomiye loo doortay Cabdullahi Abyan Nuur.

Waxaa horay iyaguna guddoon u doortay guddiga lagu muransanyahay ee doorashada heer federaal taas oo ay iska diideen golaha murashaxiinta.

Goobjoog News