U bood dhigaalka

Guddiga Loo Saaray Sharciga Doorashada Oo Ka Jawaabaya Inuu Jiro Waqti Kororsi 2020

Sheeko:Amniga

Waxaa saacadihii la soo dhaafay soo ifbaxay warar sheegaya in guddiga 15-ka ee golaha shacabka  uu u saaray turxaan bixinta sharciga doorashada ay ku mashquuleen shaqo aan loo dirsan, oo ay qeyb ka tahay waqti kordhinta hey’adaha  hadda jira ee dastuuriga ah.

Haddaba, waxaa Goobjoog News la hadlay xildhibaan Cabdirisaq Cumar Maxamed oo xubin ka ah guddiga golaha shacabka ee turxaan bixinta sharaciga doorashada isaga oo sheegay in arrinkaasi aan laga hadlin, isla markaana aaney aheyn shaqadooda.

“Innaga shaqada naloo diray waa in sharcigii ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha lagu kor shaqeeyo, laga saaro wixii ka hor imaanaya dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka, ee kama hadlin muddo kordhin, waajibaadkeenna ma aha”.

Xildhibaanka, waxaa uu intaasi raaciyey “ Shaqadeenna waxaa aasaas u ah in aanu muddo kororsi jirin, oo doorasho dhaceyso, marka war suuqeedka wax jiro ma aha”.

Dhinaca kale , Xildhibaan Cabdirisaq Cumar waxaa uu sharaxaad ka bixiyey shaqo ka mid ah waxqabadka guddigan, qeybna ka ah sharciga oo doorashada la xiriirta, waana nooca doorashada, oo sharciga lagu qoray iney noqoto matalaadda isku dheeli tiran (proportional representation), liiska xiran.

Xildhibaan Cabdirisaq Cumar Maxamed oo arrinkaasi ka hadalaya “Waxaan rabaa in aan kugu daro, sharciga naloo dhiibay waa  saddex qeyb, (1). Qodobo u baahan in laga saaro wixii sharciga ka hor imaanaya ama iyagaba isburinaya, oo leh sixid iyo wax ku daris, (2). Qeyb labaad oo ah xeer nidaamiyeyaal ay tahay in loo celiyo guddiga doorashada iyo (3). Qeybta ugu dambeysa oo ah Model-ka ama Nooca doorashada, oo sida sharciga ku qoran ah matalaadda isku dheeli tiran (proportional representation), liiska xiran iyo in dalka noqdo hal deegaan doorasho. Qodobka dambe shaqada naloo diray ayey ka mid tahay in aan shacabka, dowlad goboleedyada iyo dhammaan dadka ku shaqada leh weydiino nooca doorasho ee haboon, taladooda aan dhageysanno, isla markaana aan horkeenno golaha. Marka aan ku celiyo kama hadlin waqti kordhin, arrimahaasi iyo awoodda in laga hadlo waxaa ay u baahantahay xal siysaadeed”.

Goobjoog News