U bood dhigaalka

Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka oo Xukuumadda Ka Dalbay In Qarashka La Hayo Lagu Bixiyo Mushaaraadka

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha guddiga maaliyadda baarlamaanka Xildhibaan Samaan Maxamed Sheekh Daahir ayaa Goobjoog News u sheegey in guddigiisa ay waraaq u qoreen wasaaradda maaliyadda taasi oo looga dalbayo in qarashka la hayo lagu bixiyo mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidamada oo aan iyagu muddo 4 bilood ah qaadan wax mushaaraad ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegey in warqaddiisa ay tahay ayidaad warqad kale oo uu baarlamaanka usoo qorey hanta dhawrka guud taasi oo dhigeysey in qarashka kusoo xaroodey qasnadda dowladda uu dhanyahay 31 malyuun oo doolar sedexdii bilood ee Maarso, April iyo May , lacagtaasi ay dhantahay isku darka mushaaraadka mudadaasi ka maqan shaqaalaha dowladda.

Xildhibaan Samaan ayaa waxa uu sheegey in shaqaalaha ay laf dhabar u yihiin jiritaanka dowladnimo ee Soomaaliya, haddii aysan mushaarkooda helina ay taasi qalqal galin doonto nidaamka iyo kala dambeynta.

Ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo ku sugnaa furumaha dagaalka ee Tooro Tooroow ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa todobaadkani baneeyey meelihii ay fadhiyeen iyaga oo sabab oga dhigey mushaar la’aan muddo bilo ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan ka hadlay culeyska dhaqaale ee dalka ka jira, wuxuuna dadka ka dalbaday in ay bixiyaan canshuuraadka si dowladda u shaqeyso.

Goobjoog News