U bood dhigaalka

Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka Iyo Axsaabta Oo Ka Wada Hadley Diwaangelinta Axsaabta

Sheeko:Dalka

Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta kulan Muqdisho kula yeeshan in ka badan 15 mas’uul oo matalayey axsaabta dalka.

Guddiga iyo Xisbiyada waxaa ay ka wada hadleen arrimo dhowr oo sharciga axsaabta ku jirey kuwaas oo wax badalid u baahan ama in dib u eegis lagu sameyn karo.

Qodobada laga wada Hadley waxaa ka mid ah:

Qaabka axsaabta ku heli karaan in 9 gobol oo ka mid ah 18-kii gobol 1991-dii ay gobol waliba ka helaan 10,000 oo taageere ah.

Lacagta Diiwaangelinta ma shillin Soomaali ayaa lagu bixinayaa Mise Dollar?

Xaliimo Yarey oo ah guddoomiyaha guddiga Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka oo shir jaraa’id goobta ku qabatey ayaa sheegtey in su’aalo badan laga keeney sida Axsaabta loo diwaangelinaa iyadoo sharciga uu ku qoran yahay iney codeeyaan inta diiwaangeshan.

Sidee marka hore dadka loo diiwaangelinayaa asxaabta dalka, dadka ma wada rajester-gareysan yihiin?

Sidee loo diwaangelinayaa dadka dhimirka la’a, dadka xabsiyada ku jira iyo caruurta aan qaab-gaarka aheyn ee dalka ku nool?

Waxaa laga wada Hadley xeerka anshaxa ee doorashada, waxaa kaloo goobta lagu qeybiyay shahaado KMG ah oo lagu diiwaangelinayo axsaabta, waxyaabaha ku qornaa in la buuxiyo waxaa ka mid ah:

Magaca Xisbiga, Astaanta Xisbiga, goobta uu ku yaallo, Dastuurka xisbiga, Magaca iyo Adress-ka hogaamiyaha xisbiga, qaabka xisbiga xubin looga noqdo sida in uu qofka Soomaali yahay, uu gaarey 18 sano, uuna xaq u leeyahay in uu xisbi xubin ka noqdo isna diiwaangeliyo.

Waxaa kaloo formkaas ku jira in xisbiga uu caddeeyo haddii uu xisbi kale xulufo la yahay iyo in kale.

Goobjoog News