U bood dhigaalka

Guddiga Madaxa Banaan Ee Xuduudaha Oo Dhawaan Shaqo Bilaabaya

Sheeko:Dalka

Guddiga Madaxa Banaan ee xuduudaha ayaa sheegay in dhawaan ay shaqo bilaabi doonaan ka dib markii shalay magaalada Muqdisho ay kula kulmeen wasiirka arimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa)

Xubnaha guddigaan ayaa warbixin siiyay wasiir Odawaa, waxaana ay sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku howlgeli doonaan.

Wasiirka ayaa markii uu warbixinta ka dhageystay xubnaha guddigaan waxa uu sheegay in ka wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin la shaqeynta guddiga Madaxa banaan ee xuduuda ayna garab taagan yihiin.

Guddiga madaxa banaan ee xuduudaha waxaa hor yaalla shaqooyin aad u badan oo ay ugu horeyso kala xadeynta gobalada qaarkood oo muran xuduudeedku uu ka jiro.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa guddigaan meel mariyay, waxaana dhawaan guddiga uu billaabi doona shaqada loo igmaday.

Goobjoog News