Guddiga madaxa bannaan ee Federaalka iyo Xuduudaha “Wax wada shaqeyn ah nama dhax marin Puntland iyo Jubbaland”

Guddiga madaxa bannaan ee Fedaraalka iyo Xuduudaha ayaa baarlamaanka hor tagay Axaddii, iyagoo warbixin ka siiyay intii ay jireen, wixii u qabsoomay, waxaan u qabsoomin, howsha ay doonayaan iney qabtaan mustaqbalka.

Guddigan ayaa ah guddi dastuuri ah oo dastuurka sida kumeelgaarka ah loo ansixiyay ku xusan, Qodobka 135 xarafkisia “E”, laakiin dhismaha guddiga ayaa muddo 3 sanno kadib dhacay mudadii ay ahayd inuu  baarlamaanku meel mariyo, guddiga ayaa ugu dambeyn waxa uu baarlamaanku meelmariyay 6 July 2015.

Gudigan ayaa ugu horreyn howshiisa ku bilaabay diyaarinta xeer hoosaadka guddiga, kadibna waxaa la doortay guddoonka guddiga iyadoo la doortay guddoomiye , guddoomiye ku xigeen iyo xoghaye guud.

waxaa kale oo uu guddigu diyaariyey qorshe howleed uu ku shaqeynayo muddo sanad ah, waxaa kale oo lagu dhaqaaqay diyaarinta xafiisyada guddiga iyo diyaarintooda si loo helo goobo uu guddigu ku howlgalo, kadibna waxa uu guddigu ku dhaqaaqay dhameystirka qaab dhismeedka guddiga oo loo sameeyay guddi hoosaadyo ay kala yeelanayaan xuduudaha iyo federaalka, kadib waxa uu guddigu ku dhaqaaqay tayaynta aqoonta xubnaha guddiga iyo shaqo gelinta howl-wadeenada xubnaha guddiga, si looga soo dhalaalo waajibaadkii guddiga loo igmaday.

Guddiga ayaa warbixintooda ku daray; in ay hagaajiyeen xiriirka u dhexeeya wada shaqeynta iyaga iyo ha’adaha kale ee dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, iyagoo guddigu ka cawday labada maamul goboleed ee kala ah, Jubbaland iyo Puntland oo ay sheegeen in ay ka biyo diideen qaab dhismeedka guddiga, islamarkaana aanay jirin wax wada shaqeyn ah oo kala dhaxeys.

Waxay guddigu sheegeen iney qabteen siminaarro farabadan oo ay bulshada ku wacyi galinayaan, isla markaan ay safarro shaqo ay ku kala bixiyeen meelo kala duwan oo dalka ah.

Guddiga ayaa waxqabadkoodii ugu muhiimsanaa ku sheegay iney kamid ahaayeen 17.11.2015 oo ku jireen guddigii xaqiiqo raadinta ee loo diray Balad-Xaawo, oo ka koobnaa labada gole ee xukuumadda iyo khubaro Soomaaliyeed, guddiga oo booqday goobihii la sheegay in Dowladda Kenya darbi ka dhisayo.

Ugu dambeyn guddiga ayaa xubnaha Baarlamaanka Xasuusiyay in wakhti kooban u harsan yahay howl adagna ay hortaallo, wakhtigooduna ku egyahay xilliga u harsan baarlamaanka Soomaaliya oo ay u hartay bilooyin kooban, iyadoo aan la ogeyn xubnaha Baarlamanku waxa ay ka yeelayaan jiritaanka guddiga iyo iney muddo kordhin siin doonaan iyo in kale.

 

Related Articles

20 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW