U bood dhigaalka

Guddiga Madaxabanaan Oo Ka Dhamaaday Dib U Eegista Dastuurka

Sheeko:Dalka

Guddiga Dib-u- eegiska iyo Hirgelinta Dastuurka madaxabanaan ayaa 5-tii cutub ee ugu danbeysay waxa ay ku  ku wareejiyeen  Guddiga dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Guddiga dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid ayaa waxa uu sheegay inay tahay wax lagu farxo in maanta Guddiga -u- eegiska iyo Hirgelinta Dastuurka madaxabanaan uu  5-tii cutub ugu danbeysay ee dastuurka soo wareejiyey.

“ Maanta inuu Guddiga la socodka dib – u eegista  Dastuurka Baarlamaanka federaka Soomaaliya uu ku soo wareegay 5-tii cutub ee ugu danbeysay,  ee lagu sameynayay dib – u eegista Dastuurka JFS,  waxaa weeye taariikh, Waa taariikh cusub weeye, waa taariikh  illahey najoojiyay, in maanta 100% dib-u- eegistii Dastuurka oo ka koobnaa 15 cutub inay ka soo dhamaatay Guddigii madaxabanaana ayna ku soo wareegtay Guddiga la socodka ee  BFS”

Sidoo kale Gudoomiyaha Guodomiyaha Guddiga dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka oo hadalkiisa siiwato  ayaa sheegay in waxa dhiman ay yihiin wax u baahan wada tashi in lagala sameeyo dowled-gobaledyada iyo Baarlamaanadooda  waxa uu kale uu xusay inuu dhiman yahay in uu dhiman yahay in dadweynaha kaalintooda laga siiyo.

“ Waxaa kaliya oo dhiman la oran karayaa la tashigii dadweynaha wali wuu dhiman yahay marka laga reebo in kooban, iyo  dowled-gobaledyada iyo Baarlamaanadooda ayaa wali dhiman la tashigaas taladoodii in loo geeyo, waxaa kaloo dhiman  arrimaha ku saabsan arrimaha siyaasadeed qodobo ee  u baahan wada xaajood siayaasadeed in laga galo wali waa ay dhiman yihiin”

Dhanka kale Muno Shiikh Cumar oo ah Gudoobmiye ku xigeenka Guddiga  Dib-u- eegiska iyo Hirgelinta Dastuurka maxabanaan ayaa sheegtay in dhankooda uu ka soo dhamaaday Dastuurka Guddiga ay ku wareejiyeena sida ugu dhaqsiyaha badan uu ugu gudbiyo Baarlamaan.

“ Guddiga madaxabanaan farxad weyn ayeey u tahay iney maanta soo wada gudbiyeen Dastuurkii 15-kii cutub oo horay aan u soo gudbinay 10 cutub 5-tii ugu danbeysan inaan maanta u gacn galinay Guddiga dib dib- u – eegista Dastuurka ee Baarlamaanka federalka ee Soomaaliya, maanta waxa ay taagan tahay inuu 15kii cutuba uu gacanta ugu jiro Guddiga dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka ”

Ugu danbey Muno Shiikh Cumar ayaa waxa ay  dowlad-gobadeyada ka dalbatay  in looga baahan yahay in Dastuurka aan loo xayirin is qabqabsi dhaxdooda ah ayaga iyo dowladda dhexe maadaama Dastuurku uu yahay kii lagu hagi lahaa Umadda Soomaaliyeed.

“Waxaan ka codsanayaa dowled-gobaledyada maadaama uu soo dhamaaday 15kii cusutub ayna harsan tahay in dib u eegis lagu sameeyo inaan loo xariyin is qabqabsi  jira iyo haddii uusan jirinba aadna ogaataan inuu Dastuurkaan uu yahay Dastuur Umadda Soomaaliyeed ka dhaxeeyo, masiirkii Umadda Soomaaliyeed uu yahay, kii Umadda Soomaaliyeed lagu hagaayay uu yahay, wixii jirana dib looga xisaabtamo uusan noqon mid la sababeeyo ama la siyaasadeeyo”

Goobjoog News