U bood dhigaalka

Guddiga qaban-qaabada aaska Qaran ee Eng. Yariisoow Oo Sheegay in Aaska Marxuumka uu Dib Dhac ku Yimid.

Sheeko:Amniga

Guddiga qaban-qaabada aaska Qaran ee loo sameynayo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in dib u dhac uu ku yimid, taas oo loo sababaynayo cillad farsamo oo ku timid Diyaaraddaii soo qaadi lahayd meydka marxuumka.

Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada oo ah Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng; Cabdi Canshuur Xasan, ayaa sheegay in xilligii lasoo qaadi lahaa Maanta meydka marxuumka ay cillad ku timid Diyaaradda, isla maraana loo beddelay Diyaarad kale, iyadoo qorshuhu uu yahay in Berrito 8:00 barqanimo la keeno Muqdisho.

“Cillad farsamo oo ku timid Diyaaraddii soo qaadi lahayd Meydka Marxuumka ayuu ku yimid cillad farsamo, sidaas awgeed ayaa loo beddelay Diyaaraddii, iyadoo laga dhigay Berri Siddeedda Subaxnimo” ayuu yiri, Wasiir Canshuur.

Goobjoog News