U bood dhigaalka

Guddiga qaban qaabada shirka Garbahaarey oo ka hadlay shirka Kismaayo

Sheeko:Dalka

Guddiga qaban qaabada shirka wada tashiga ee Gedo ayaa sheegay in shirka dhowaan ka furmi doona degmada Garbahaarey aanu caqabad ku ahayn midka ka socda magaalada Kismaayo.

Afhayeenka guddigaasi Cabdi Shire Jaamac Ciyaar-jecel oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog FM waxa uu tilmaamay in shirka Kismaayo uu yahay mid dadka lagu heshiisiinayo kan Garbahaareyna wada tashi uu yahay.

Mar wax laga weydiiyay waxa ay kala socoto dowladda Federaalka Soomaaliya waxa uu xusay in kaalin ay ku lahayd abaabulka shirkan sida uu hadalka u dhigay.

Magaalada Garbahaarey ayaa waxaa imika ku sugan ergo fara badan oo isugu jirta xildhibaano, siyaasiyiin, wax garad, culumaa’udiin, dhalinyaro iyo haween , waxaana la qorsheynayaa in la isugu keeno dadka gobolka.

16-kii bishan ayay ahayd markii madaxwaynaha Soomaaliya uu Kismaayo ka furay wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta dadka dega jubbooyinka iyo Gedo oo la sheegay in uu socon doono muddo 45 cisho.