U bood dhigaalka

Guddiga Qabanqaabada Xuska Todobaadka Xorriyadda Oo La Magacaabay

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya qabanqaabada munaasabadda xuska todobaadka xoriyadda Soomaaliya.

Guddigan uu magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan qabanqaabada sanadguurada 59-aad ee kasoo wareegtay xorriyadda, midnimada iyo dhalashada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, kaasi oo ka kooban 7 xubin.

Waxayna kala yihiin:

1: Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Warfaafinta Guddoomiye.

2: C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xubin

3: Xasan Cali Maxamed, Wasiirka Gaashaandhigga xubin.

4: Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Gudaha Xubin.

5: Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha xubin.

6: Deeqa Yaasiin Xaji Yuusuf wasiirka haweenka iyo xuquuqulinsaanka xubin.

7: Dadiiq Xirsi Warfaa Wasiirka Shaqada iyo Shaqalaaha xubin.

Shaqada ay qaban doonaan

1: in ay qabanqaabiyaan xuska munaasabadda xoriyadda 26-ka June iyo 1-da Luulyo.

2: in ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha qeybta ku leh qabanqaabada maalmaha xorriyyadda.

3: in ay jaan gooyaan kharashaadka ku baxaya xuska maalmaha xorriyadda.

4: in ay magacaabaan guddi hoosaad farsamo ee abaabulka maalmaha xorriyadda.

5: in ay sugaan amniga goobaha kala duwan ee  lagu qabanayo munaasabadaha 26-ka June iyo 1-da Luulyo ee 2019.

6:in ay kormeeraan sida ay u socdaan howlaha guddi hoosaadka farsamo ee abaabulka munaasabadaha Qaran.