U bood dhigaalka

Guddiga SEIT ee Somaliland Garabka Cabdi Xaashi Oo Hakiyay Doorashada 16 Kursi Oo Golaha Shacabka Ah

Sheeko:Amniga

Guddiga hirgelinta doorashooyinka gobalada Waqooyi garabka Cabdi Xaashi ayaa ku dhawaaqay in ay hakiyeen doorashada 16 kursi oo dhawaan doorashadooda ay shaaciyeen gudda SEIT ee Somaliland.

Xubnahaan guddiga oo ka kooban afar xubnood ayaa sheegay in ay joojiyeen doorashada 16 ka kursi ee 30 bishii hore ee November ayaa shaaciyeen guddiga la hakiyay, lana bilaabi doono la tashiyo iyo fadhiyo xal looga gaarayo tabashooyinka ka taagan kuraastaas.

Garabka Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale sheegay in aan la bilaabo doonin xareynta ergooyinka kuraastaan dooran laheyd illa xal laga gaaro.

Hoos ka akhriso qoraalka hakinta doorashada 16-ka kursi ee garabka Cabdi Xaashi ay hakiyeen.