U bood dhigaalka

Guddiga Warfaafinta Baarlamaanka Oo Cambaareeyay Xarigga Wariyeyaasha Universal TV

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ah guddomiyaha guddiga warfaafinta baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaan Maxamed Cabdi Yusuf oo ka tirsan guddiga Dastuurka iyo Xildhibaan Proff Guure ayaa si kulul u cambaareeyay xarigga Laba wariye oo ka shaqeeya talefishinka Universal iyagoo dalbaday in sida ugu dhaqsaha badan loo sii daayo.

Xildhibaanadaan ayaa xarigaan waxay ku tilmaameen mid xaq darro ah, iyagoo intaa raaciyay in aan qofka la iska xeri karin iyadoo aan warqad laga heysan Maxkamadda.

Mudane Cabdi Xaashi ayaa sheegay inay ka xunyihiin in wariyayaashaan xarigooda uu eedsdo barnaamij dood ah oo ay ka qeybgaleen isaga iyo xildhibaan Maxamed Cabdi, iyagana ay xaq u leeyihiin in dadkooda u sheegaan wax walba oo jira.

Agaasimahii Universal TV ee bariga Afrika iyo Wariye Cawil Daahir Salaad ayaa u xiran ciidamada Nabad sugidda qaranka, waxaana xarigga wariyayaashaan cambaareeyay sidoo kale Ururka saxafiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Goobjoog News