U bood dhigaalka

Guddiga Warfaafinta Baarlamaanka oo Diidey In Dib Loo Celiyo Sharciga Isgaarsiinta

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga warfaafinta iyo isgaarsiinta baarlamaanka ayaa diidey codsi kaga yimid qaar ka mid ah xildhibaanada oo ahaa in dib loo celiyo sharciga isgaarsiinta oo la horkeeney xildhibaanada si ay oga doodaan .

Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo guddoomiyaha guddiga ayaa yiri “Anaga sharciga waxaan gudbiney 5tii July, balse marka la marayo 23-da July ayuu guddoonka xubno cusub kusoo daray guddiga, xubnihii cusbaa ayaa waxa ay hadda leeyihiin sharciga dib haloo dhigo sababtoo an anaga nalagama tashan, taasina wax suurogal ah ma ahan, hawl horey loosoo qabtay dib looma celinayo”.

Mar uu ka hadlayay qasaaraha Soomaaliya ugu sugan in sharcigani aanan la meelmarinin ayaa waxa uu uu yiri “War ajnabi ayaad baryeysaan, sharcigaan oo meelmaraa waxa uu idinka saarayaa dhibaatada, waxaanan idiin sheegayaa in 2009 ay dowladda Soomaaliyeed heshiis la gashay shirkad Japan ah, si ay u kala waddo barta internetka Soomaaliya ee (.So) waxa uu heshiisku ahaa in boqolkiiba %70 ay Soomaaliya hesho, boqolkiiba %30 ay shirkadaasi hesho, hal senti oo dowladda Soomaaliyeed lacagtaasi oga soo xarootey ma jirto, waxaanan hayaa $ 300 milyan oo doolar oo dakhli ah in ay jireysey sanad walba “ .

Waxa kale oo uu ka hadlay in taleefoonada dibada u baxa iyo kuwa soo gala ay Soomaaliya lacago badan uga lumeyso sanad kasta, waxa uu tusaale usoo qaatay in mar la qiimeeyey arrintani lana ogaaday in wicitaanka Maraykanka kaga yimaada Soomaaliya ay dhanyihiin 39.9 milyan oo daqiiqad, halka kuwa ka baxa ay kaliya yihiin 250,000 daqiiqo, halkaasi oo Soomaaliya ay kaga maqantahay lacag aad u badan.

Sharciga oo laga hor akhriyey baarlamaanka ayaa waxa uu ka hadlayaa xeer nidaaminta isgaarsiinta, iyada oo la dhiirogalinayo xiriirka dadka, isticmaalka aaladaha casriga ah, curinta iyo ganacsiga furan ee internet-ka loo adeegsado, iyada oo sidoo kale la hiigsanayo tijnoolijiyadda iyo casriyadda cusub.

Waxa uu sharciga qabaa samaynta hey’ad madax banaan oo isgaarsiin ah, taasi oo iyagu mas;uul ka noqon doonta bixinta shatiyada, kormeerka iyo la socoshada dhaqdhaqaaq kasta oo isgaarsiinta la xiriira.

Waxa uu sharciga marayaa akhrintii koowaad, waxaana la filayaa in si weyn looga dodo.

Goobjoog News