U bood dhigaalka

Guddiga Xalinta Khilaafyada Saxaafadda Iyo Wasiir Maareeye Oo Ka Shiray Khilaafka NUSOJ

Sheeko:Dalka

Gudiga xalinta Khilaafaadka Saxaafadda oo iskood isku taagay ayaa maanta waxay kulan gaar ah la qaateen wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, waxaana ay kala hadleen sidii loo xalin lahaa khilaafka ka jira hogaanka ururka suxufiyiinta ee NOSOJ.

Waxa ay sheegeen in muhiimad gaar ah ay leedahay in xal degdeg ah laga gaaro khilaafaadkaasi , waxaana ay shaaciyeen in ay aqbaleen soo jeedinta ah in ay wada hadlaan Labada shaqsi ee isku haysta hogaanka NOSOJ .

Kulanka gaarka ah ee ay yeesheen xubnaha gudidaasi iyo wasiirka warfaafinta kadib waxaa saxaafadda la hadlay  Milkiilaha idaacadda Shabelle  Cabdimaalik iyo Agaasimaha Star FM Ismaacil Sheikh Khaliif .

Waxay sheegeen in wasiirka iyo guud ahaan wasaaradda warfaafinta ay u ballan qaadeen inay taageerayaan muhiimna ay tahay in la helo saxaafad mideysan.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye  oo isna la hadlay warbaahinta ayaa  sheegay in wasaaradiisu aysan faragelin ku haynin saxaafadda madaxa banaan .

“Waxaan cadeynayaa wasaaradda warfaafinta mowqifkeeda, ururka Nusoj waa urur madaxbanaan oo ay leeyihiin wariyeyaasha ka shaqeeya warbaahinta madaxda banaan, annaga guddigaan maanu magacaabin howshoodana wax lug ah ku yeelan mayno oo ka badan iney warbixin ina siiyaan” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Hogaanka Ururka Suxufiyiinta NUSOJ ayaa waxaa isku hasta Maxamed Ibraahim Pakistan iyo Cumar Faarukh Cismaan , taas oo hadal hayn badan kadib dhalisay in wasaaradda warfaafintu soo saarto qoraal ay ku shaacinayso in Labadaasi qof , aysan ninna u aqoonsanayn  gudoomiyaha NUSOJ oo ay tahay in doorasho lagu kala baxo iyadoo wariye kasta iyo codkiisa ay noqonayso .

Goobjoog News