U bood dhigaalka

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Oo Loo Gudbiyey Kiisas Badan Oo Dacwo Ah

Sheeko:Dalka

Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey xal ka gaarista tabashooyinka ay qabaan musharraxiinta.

Guddoomiyaha guddigaasi C/risaaq Barre Jaamac oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in wax badan ay ka qaban doonaan cabashooyinka ay soo gudbiyaan cid walbo oo doorashooyinka ku lug leh.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha iney tagi doonaan meel walba oo doorashooyinka dadban ka dhacayaan, isaga oo hoosta ka xarriiqey iney jiraan dad loo hanjabay misane dacwad qaba.

“Guddiga howlihiisa meel wanaagsan bay marayaan, waqti kooban buu guddiga dhisan yahay, wax weyn ayuu qabtay, wuxuu diyaariyey guddiga dhammaan xeerarkii iyo hannaankii uu ku shaqeyn lahaa, wuxuu isku qeybiyey kooxo yar yar ah, meel walbo oo doorasho ka dhaceysa Saddex xubnood ayaa tagaya, waxaan ku guuleysannay in kooxdii ugu horreysay shaqo gasho 22-kii October”

“Waxaa ugu mudan dadka dacwada inoo soo gudbin kara qofka musharraxa ah, Shahaadada musharraxnimada kasoo qaata guddiyada doorashooyinka, lacagta Kunka doolar ah ee lagu xiray in qofka dacwoonaya inuu bixinaya cadeynteeda soo qaato, markaas ayaan dacwaddii qofka qabaneynaa, sidoo kale odayga kamidka ah 135 oday wuu inoo soo dacwoon karaa, Odoyaasha dhaqanka ee Nabadoonnada ah wey inoo soo dacwoon karaan haddii ay cabasho ka qabaan odoyga u matelaya 135” ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka mar aynu wax ka weydiinnay qaabka loo maamulayo lacagta Kunka doolar ah iyo cidda goysay ayuu ku jawaabey “ Madasha ayaa goysay lacagtaasi Kunka ah guddigana ma maamulaya, awoodna uma lahan in guddiga lacagta uu ka saaro xisaabta, sidaan ka warqabno lacagtaaasi waxay kamid noqoneysaa miisaaniyadda guud ee lagu maamulayo doorashooyinka, 1219 dacwo ayaa naloo soo gudbiyey, rag iyo dumarba wey ku jiraan, waxay ka cabanayaan in loo cago jugleeyay, ama la hanadaday ama xaqii ay u lahaayeen iney tartamaan laga hor istaagay, Odaygooda dhaqanka ama guddiyada doorashada haka dacwoodaan, qofba waxbuu dacwo ka yahay”

Gobollada dalka waxaa ka soconaya u diyaar garowda doorashooyinka aqalka hoose, iyadoo ay jiraan musharraxiin xildhibaan oo cabasho qaba.

Goobjoog News