U bood dhigaalka

Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka oo Kulan wadatashi ah la qaatay Xildhibaanno iyo Wasiirro ka Tirsan Galmudug

Sheeko:Baarlamaanka

Degmada Cadaado ee gobolka Mudug ayaa maanta waxaa mar kale lagu qabtay kulan looga hadlayo arrimaha federaalka iyo xuduudaha Dalka.

Kulankan oo isugu jira wacyigelin iyo wada tashi arrimaha xuduudaha waxaa soo qaban qaabiyay guddiga madaxa banaan ee xuduudaha  iyo federaalka iyo ha’yadda UNDP ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno kasoo jeeda Galmudug.

Kulankan ayaa  looga hadlay xuduudaha dalka guud ahaan iyo xuduudaha maamul goboleedyada dalka iyadoo talooyinkii la soo jeediyay ay ka mid ahayd in xuduudaha maamulada dalka lagu saleeyo 18 gobol oo ah sida ku qoran dastuurka dalka oo aan waxba laga bedelin.

Dhanka kale, waxaa si gaar ah loo soo hadal qaaday dowladda Itoobiya oo lagu eedeeyay iney soo dhaaftay xuduud beenaadkii hore , isla markaana la sheegay in dadka deegaanada Kaxandhaale iyo Dacdheer, oo ku yaalla xuduuda gobolka Galguduud uu la wadaago Itoobiya, in loo sheegay in ay deegaanada iskaga guuraan ama ay u hoggaan samaan xukunka Addis Ababa,  iyadoo guddiga arrimaha xuduudaha ay kulanka ka  ballanqaadeen iney dowladda federaalka ay  hor dhigayaan xalaaddan ka soo cusboonaatay xuduuda dalka ee dhanka Itoobiya.

Ugu dambeyn guddiga madaxa bannaan ee federaalka iyo xuduudaha ayaa maalintii Isniinta waxay ururada bulshada kulan ugu qabteen magaalada Cadaado, iyadoo la filayo in wacyigelinta ay ka sameeyaan dhamaan maamulada dalka kadibna ay talooyinka iyo waribixntooda ay hordhigi doonaan xukuumadda iyo baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News