U bood dhigaalka

Guddigga Xaqiiqo Raadinta Garbahaarreey oo Gaaray Kismaayo

Sheeko:Amniga

Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad gobleedka Jubbaland ayaa waxaa maanta gaaray guddigii  uu u magacaabay Ra’iisalwasaare Rooble soo qiimaynta deegaan doorashada labaad maamulka Jubbaland ee Garbahaarreey.

Guddiga gaaray magaalada Kismaayo ayaa  waxaa hoggaaminayey Guddoomiye  Av. Cumar Maxamed Cabdulle Dhageey  waxaa Garoonka diyaaradaha magaalada  kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan Guddiga hirgalinta doorashooyinka SEIT ee Jubbaland.

Guddigaan ayaa waxaa lagu wadaa in ay kulamo la qaataan madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo sidoo kale guddiga doorashooyinka SEIT Jubbaland, kadib waxaa lagu wadaa iney maalmaha soo aaddan ay gaaraan  Garbahaarreey.

Degmada Garbahaarey ee gobolka xarunta goboka Gedo ayaa waxaa ay tahay xarunta labaad ee loo asteeyey in ay noqoto deegaan  doorashada labaad ee Jubbland, iyadoo  lagu wadaa in lagu soo doorto 16 kursi oo ka tirsan Baarlamaanka 11-aad.

Guddiga uu magacaabay Ra,iisalwasaaraha xukuumadda federalka ah Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa laga sugayaa in ay soo qiimeeyaan sida ugu macquulsan oo doorashada golaha shacabka ay ka dhici karto degamada iyada oo daahfuran.

May be an image of 2 people, people standing and suit

May be an image of 3 people, beard, people standing, suit and outdoors

May be an image of 4 people, people standing and outdoors

Goobjoog News