U bood dhigaalka

Guddigii Farsamada oo Aanan La Dhisin Ayaa Dib u Dhigey Shirka Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Sheeko:Dalka

Waxaanan qabsoomin shirkii maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Hoose kaasi oo lagu waday in uu furmo 1-da bishan Sebtember.

Sababta ugu weyn ee uu shirka u qabsoomi waayay ayaa lagu sheegey in ay tahay kadib markii lagu guuldaraystey in la magacaabo guddigii farsamada ee shirka kala hagi lahaa, taasi oo ka dhalatay beelaha oo dhexdooda ku heshiin waayay sidii ay u qeybsan lahaayeen guddiga.

Waxaa iyana jirta in qalalaasaha siyaasadda ee dalka ka jira uu yahay sabab kale oo dib u dhigtey shirka.

Waxaanan wali kala caddayn halka lagu qabanayo shirka, iyada oo magaalooyinka Baladweyne iyo Jowhar ay labaduba ku tartamayaan martigalinta shirka.

Goobjoog News