U bood dhigaalka

Guddiyada Doorashada: Hanjabaado , Isdaba marin Liis, cagajuglayn iyo Takrifal Hanti Ayaa Doorashada Ka Dhacday

Sheeko:Dalka

War Saxaafadeed ay si wadajir u soo saareen Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD) iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ayaa lagu sheegay in doorashada ay hareeyeen hanjabaadyo , Isdaba marin Liis, cagajuglayn iyo Takrifal Hanti Ayaa Doorashada Ka Dhacday.

War Saxaafadeedka Waxaa uu u qornaa sidan:

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD) iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) oo si wadajir ah u qorsheynaya tallaabooyin isku dubbaridan oo wax looga qabanayo is dabamarin doorasho oo halis ah.

Guddiyada GFHDD iyo GXKHDD waxay hoosta ka xarriiqayaan horumarka illaa iyo hadda laga gaaray geeddi socodka doorashada ee 2016ka.

Codaynta kuraasta Aqalka Hoose waxay ku dhowdahay gabagabo, waxaana qabsoomay doorashada qiyaastii in ka badan 40% boqolkiiba kuraasta Golaha Shacabka.

Geeddi socodka guud wuxuu illaa iyo hadda u dhacay si nabadgelyo iyo kala dambayn leh, marka laga reebo dhacdooyin teel teel ah oo ka dhacay Jowhar, Baydhabo, Cadaado iyo Kismaayo.

Guddiyada GFHDD iyo GXKHDD waxay ka walaacsan yihiin eedeymo ku saabsan falal wax isdabamarin ah oo ka dhacay dhowr goobood ee doorashooyinka Golaha Shacabka oo dhowaan lagu qabtay gobollo kala duwan.

Eedeymahaas waxaa ka mid ah: hanjabaado iyo cagajuglayn loo geystay xubno ka tirsan guddiyada maaraynta doorashooyinka iyo musharraxiin, isdaba marin lagu sameeyey liisas ergo iyo musharraxiin, ku takrifal hatni dowladeed (waxaa ka mid ah adeegsiga xubno ka tirsan hay’adaha amniga) si loogu roonaado musharraxiin baarlamaan qaarkood, loogana hormariyo kuwo kale, iyo adeegsiga hanti iyo awood ciidan oo gaar loo leeyahay si loogu cagajugleeyo loona quusiiyo qaar ka mid ah musharraxiinta iyo ergada.

Sidaasi darted ayaa labada guddi waxay si dhaw uga wada shaqeyn doonaan in ay baaritaan buuxa oo wada jir ah ku sameeyaan eedeymahaan si loo ilaaliyo kalsoonida guud ee lagu qabo geedi socodka doorashada, iyagoo raacaya waajibaadkooda shaqo ee kala duwan.