U bood dhigaalka

Guddiyada Joogtada Ah Ee Baarlamaanka Oo Shir Xasaasi Ah Ku Leh Villa Hargeysa

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka, guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka iyo Xildhibaanada qaar ayaa maanta ku shirsan xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ee Villa hargeysa, shirkaas oo la sheegay in looga arrin sanayo arrimaha doorashooyinka sanadkan 2016.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar ayaa u sheegay xubnaha baarlamaanka maalintii shalay; ” waxaan rabaa inaan meeshan wargeliyo berrito oo Axad ah 11:00 saac waxaan ka rabnaa Villa Hargeysa guddiga Joogtada ah, guddiga Dastuurka, Guddiga Arrimaha Gudaha iyo inta xildhibaanno oo ka soo qeyb gali karto iney noogu yimaaddaan Villa Hargeysa, annagoo ka wada hadli doonno si tifaftiran oo calool furan Habka Doorashada loo geli doono 2016-ka”.

Ugu dambeyn, waxaa dhawaan la filayaa in baarlamaanka Federaalka la hor keeno natiijadii shirka madasha ee 12.04.2016 lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, iyadoo la filayo baarlamaanku inay go’aan ka soo saaraan habka doorashada loo galayo iyo wadada loo marayo.