U bood dhigaalka

Guddiyada Wax Ka Bedelka Dastuurka KMG oo Muqdisho Ku Kulmay

Sheeko:Amniga
Guddiga soo jeedinta wax ka bedelka & kaabista dastuurka kumeel gaarka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay guddiga madaxa banaan ee hirgelinta iyo wax ka bedelka dastuurka, kaas oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa waxaana guddoomiyay guddiga Xil. Mahdi Maxamed Guuleed.
Guddiga soo jeedinta wax ka bedelka & kaabista dastuurka kumeel gaarka ah Jamhuuriyadda Federalka ayaa xogwareysi ku saabsan waxqabadkooda la yeeshay guddiga madaxa banaan ee hirgelinta iyo wax ka bedelka dastuurka KMG iyadoo intaasi kadibna ay guddiga weydiiyeen su’aalo ku saabsan warbixintooda.
Guddiga soo jeedinta wax ka bedelka & kaabista dastuurka ayaa ugu mahadceliyey xubnaha ka socday guddiga madaxa banaan warbixintooda wanaagsaneyd ee ay siiyeen guddigooda si hawlaha guddiga uu u xilsaaray Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ugu noqdo dhameystir maadaama laga doonayo  guddiga.
Goobjoog News