U bood dhigaalka

Guddiyo Muhiim u Ah Shirka Jowhar Oo Lagu Dhawaaqay

Sheeko:Dalka

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha dhexe waxaa ka soconaya shirka maamul u sameynta gobollada Shabellaha dhexe iyo Hiiraan, waxaana ka qeybgalaya waxgarad ka kala socda gobolladaasi.

Sida uu sheegayo Wariyaheena Aadan Xuseen Daa’uud oo ku sugan magaalada Jowhar waxaa lagu dhawaaqay Seddax Guddi oo muhiim u ah habsami u socodka shirkaasi, kuwaasi oo kale ah, Guddiga Farsamo ee shirka, kan xalinta khilaafaadka iyo kan shir guddoonka.

Wejiga Seddaxaad ee shirkan ayaa la filayaa in 24-ka bishaan April uu daah furo wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa.

Inkastoo weli ay jiraan beello ka maqan shirka ayaa hadana wejiga Seddaxaad waxa uu noqon doonaa midka ugu muhiimsan oo shaqooyin badan la doonayo in lagu qabto.

Goobjoog News