U bood dhigaalka

Warbixin: Qodobbada Looga Hadlay Kulanka Mucaaradka Xasan Sheekh iyo Guddiga Federaalka Ah Ee Doorashada Dadban

Sheeko:Dalka

Murashaxiinta madaxtinnimada Soomaaliya 2016-ka ayaa maanta magaalada Nairobi kula kulmay guddiga heer federal ee doorashada dadban iyagoo kala hadlay arrimo ku saabsan doorashada sanadkan iyo cabashada ay qabaan.

Cali Maxamed Nur Americo oo ah murashax madaxtinnimada 2016-ka, kana mid ahaa dadkii guddigan la kulmay ayaa Goobjoog News u sheegay in guddiga doorashada dadban ee heer federaal ay ballan-qaadeen in doorashada u qaban-doonaan si cadaalad ah isla markaana ay murashaxiinta ula dhaqmi doonaan si simman.

Cali Nur America waxaa kaloo uu sheegay in guddiga ay kala hadleen sidii dadka murashaxiinta matalaya ay u tagi lahaayeen goobaha ay ka dhaceyso doorashada 2016-ka iyo in murashaxiinta la siiyo ciidamo xilliga ay ku jiraan daacayadda doorashada.

Kulanka dhanka guddiga doorashada waxaa uga qeyb-galay ilaa 4 qof oo ay ku jireen guddoomiyaha Cumar Cabdulle iyo Saciid Qoorsheel halka mucaaradka ay ka socdeen Maxamed Cabdulahi Farmaajo, Maxamed Cali Nur Amerika, Cali Maxamed Geedi, Cabdiraxmaan Baadiyow, Cabdiweli Axmed, Dr. Cabdinasir, Cali Xaaji Yusuf iyo Cabdiqadir Jama Barre.

Dhinaca kale, todobaadkan waxaa xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho kulan ku qaatay qaar ka tirsan murashaxiinta iyo beesha caalamka, iyadoo laga hadlay doorashada iyo cabashada ay murashaxiinta qabaan.

Kulanka Axsaabta iyo murashaxiinta ka qeybgalay waxaa ka mid ahaa: Cabdiraxman Cabdishakur, Axmed Fiqhi, Salaad Cali Jeelle, Tarsan iyo mas’uuliyiin kale halka beesha caalamka ay fadhiyeen Qaramada midoobey, Midowga Yurub, Midowga Afrika, UK, Talyaaniga iyo waddamo kale.

Inkasta oo Axsaabta iyo Murashaxiinta ka gaabsadeen in Goobjoog News uga warramaan natiijada shirka hadana warar aanu helnay ayaa sheegaya in shirkaas looga hadlay sidii beesha caalamka korjoogayaal ugu yeelan laheyd doorashada, kaalinta murashaxiinta ee doorashada iyo goobaha ay ka dhacayaan, waxaa kaloo laga hadlay nabadgalyada goobaha doorashada iyo sidii doorashada u noqon laheyd mid hufan oo cadaalad ku dhacda.

Sanadkan waxaa dalka ka dhaceysa doorasho, Jadwalka doorashada waxaa ku qoran sidan:

Aqalaka sare 25 September

Baarlamaanka 24 September – 10 October

Dhaarinta Xildhibaannada 20 October

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka 25 October

Doorashada Madaxweynahan 30 October

                                                                     Maxaa Qabsoomay Ilaa Hadda:

Madasha waxaa ay arbacadii sheegtay in doorashada ay waqtigeeda ku dhici doonto, taas oo micnaheedu yahay in taariikhyada aan kor ku sheegnay ay sidoodii yihiin.

Dhameystirka hubinta liiska odoyaasha 135-ta ahaa, inta nool iyo inta dhimatay iyo xitaa Odyaasha lagu badaly kuwii hore, waxaa arrintaas ugu dambeyay in Odoyaasha lagu daray Ugaas Xasan Ugaas Khalif.

Doorashada: Guddiga Doorashada dadban ee heer federal, kuwaas oo shaqada bilaabay haddii ay ahaan laheyd jadwal sameyn, Tababar iyo xitaa booqasho ay ku tageen goobaha doorashada ay ka dhaceyso.

Doorashada Guddiyada doorasho heer dowlad goboleed: waxaa ay is barteen guddiga heer federal, tababar ayey qaadeen, waxaana hadda la diyaarinayaa goobihii ay ka dhici laheyd doorashada dadban.

Magacaabista iyo dhameystirka guddiga xalinta khilaafaadka doorashada dadban ee 2016-ka, waxaana lagu wadaa in guddiga lagu kabo khubaro caaalami.

Sameynta Xeer Anshax oo Madasha saxiixday, lagana rabo in ay saxiixaan dadka u tartamaya Xildhibaannimada iyo xitaa xilka madaxweynimada.

Waxaa socda xulista ergo doorasho, oo beelo badan oo Goobjoog News la hadlay waxaa ay sheegeen in Odoyaasha qaar hayaan liiska ergada doorasho.

Beesha caalamka oo bixisay 60% lacagta doorashada

Waxaa Xal laga gaaray in beeshii 3 kursi leh ay mid haween noqota, waxaa kaloo lagu qasbay in dowlad goboleedyada ay aqalka sare hubiyaan 30%.

                                                                              Maxaa Qabsoomi Waayey:

Weli ma dhismin maamullada Hiiraan/ Shabeellada dhexe.

Weli lama xallin cabashada beelaha qaar sida Somaliland.

Lama oga halka ay ka dhacayaa doorashooyinka qaar, aqalka hoose iyo midka sare.

Dowladda federaalka ah oo lacagta doorashada ee 40% aan gacanta ku heyn.

Lama diyaarin Hoolalka ay ka dhaceso doorashada 2016-ka.

Lama oga ciidamada iyo cidda amniga sugi doonta.

Dowlad Goboleedyada dalka weli ma bilaabin dhismaha aqalka sare oo la doonayo in la dhameystiro bishan 25-keeda, Hiiraan/Shabeellana maamul ahaan ma dhisnaba

Upper House-ka iyo Somaliland oo meesha joogin

Goobjoog News