U bood dhigaalka

Guddomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Ayaa Qaabilay Madaxweynaha Puntland

Sheeko:Amniga

Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Puntland Said Abdullahi Dani oo booqasho shaqo ku joogo caasimada Muqdisho.

Madaxweyne Saciid Cabdullahi Dani ayaa kulan la qaatay Guddiga Joogtada Golaha Aqalka Sar,isagoo ka dhagaystay waxyaabihii u qabsoomay golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya.

Shalay ayay aheyd markii Madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Madaxwaynaha maamulka Puntland Saciid Deni iyo asxaabta mucaaradka ay shirar kala duwan ku qaateen magaalada Muqdisho waxaana kulamadaas looga hadlay arimo doorashooyinka iyo xaalada kala guurka ee dalka .

Goobjoog News