U bood dhigaalka

Guddomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Oo Tababar U Soo Xeray Ciidamo Ka Tirsan Xoogga Dalka

Sheeko:Amniga

Guddomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka qeybgaly munaasabad tababar loogu soo xerayay Saraakiil, Saraakiil xigeeno iyo Dablayaal kuwaas oo ka tirsan Ciidamada Xooga Dalka Soomaliyeed Islamarkana ka qalin jibiyay dugsiga tababarka Turkisom ee Muqdisho .

Guddomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa u mahadceliyey Dowladda Turkiga  dadaalka weyn ay ku bixiso dib u dhiska ciidamada kala duwan ee dalkal.

Guddomiyaha Mursal ayaa Ciidamada ka qalin jibiyay dugsiga tababarka Turkisom kula dar daarmay in ay si buuxda ugu qeyb qaataa horomarka dalkoooda kana soo baxaan wixii la baray

Halkan Ka Daawo Sawridaa Xeritaanka Tababarka Uu Ka Qeyb Galay Mudane Mursal

     

Goobjoog News